Duqeymo qasaaro geystey oo ka dhacey gobolka jubadaxa dhexe,

0
257

Duqeymo qasaaro geystey oo ka dhacey gobolka jubadaxa dhexe
Wararka naga soo gaaraya gobolka jubada dhexe ayaa xaqiijinaya in habeenkii xalay ahaa kadhaceen magaalooyinka Bu’aale iyo Jilib ee katirsan gabalka jubada dhaxe duqeymo xoogan kuwaas oo lasheegey in ay qasaaro nafeed geesteen.

Duqeynta ayaa lasheegey in ay geesteen diyaarada darooniska loo yaqaano ee mareykankaa, kuwaas oo beegsanaayey xubno muhiim ah oo katirsan xarakada alshabaab ee kusagnaa degmooyinkaasi
Warar hoose oo aan helney ayaa sheegaya in duqeenta kudhaawacmey teliyaha amniga ee alshabaab wallow aan la ogeen qasaaraha dhabta ah ee halkaasi kadhacey
Dadka deegaanka ayaa sheegey in ah maqleen dhawaqa gantaalo xoogan saqdii dhaxe ee habeenimo kuwaaasi oo ay sheegeen in dhaawac cuus lala beegsadey.
Waxaa sii kordhaya duqeymada lala beegsanaayo hogaanka sare ee alshabab.