Drs.Xaawo Cabdi Dhiblaawe, oo u dhaqdhaaqda xuquuqda aadana iyo xanaaneynta haweenka iyo carruurta isla markaana diidday in ay qaadato hanjabaadyo uga yimid kooxda Al-Shabaab, kaddib markii la dumiyay Isbitaalkeeda afar jeer.
Gabadheyda Deqo Aden Mohamed ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta hooyadeed ay muteesatay abaalmarintaas, taasoo ay bixisay hey’adda Tanker Krishnan Ang Lecture–2014.
Xafladda la guddoonsiinayay Dr.Xaawo Cabdi abaalmarinta ayaa waxaa ku sugnaa dad aad u badan oo ka kala yimid waddamada caalamka.
Waxaa loo gartay Dr. Xaawo Cabdi haweeney wax badan ka qabatay arrimaha caafimaadka, iyadoo daryeel siiyay dad uu fara badan in kastoo ay ku soo shaqeysay goob khatar badan.
Soomaaliya dumarka iyo carruurta waxa ay ka mid yihiin kuwa ugu nugul colaadaha, qaar badan ayaa ku dhintay ama ku dhaawacmay.