Dr.Maxamuud Cali Shire Oo ah wasiirka Howlaha Guud Ee Dowlad Goboleedka KG Soomaaliya oo si Adag u Weeraray Safarka Ra”iisul Wasaare Cabdweli ee Kismaayo.

0
210

Dr.Maxamuud Cali Shire oo Ka tirsan Garabka Madoobe Nuunow ee Maamul gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa si kulul uga hadlay  safarka Raysulwasaaraha Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid aysan ku faraxsanayn bulshada gobalada Jubbooyinka iyo Gedo gaar ahaana beesha Sade.

Waxa uu shegay in uusan ku Faraxsanayn ,isla markaasna Mamaulkooda uusan Raali ka ahayn Safarka uu Ra”iisul Wasaaraha somaaliya ku joogo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka KMG ah ee Jubba.

Dr.Maxamuud Cali Shire oo mudda ahaa Mareeyihii dekada Kismaayo Xilligii isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa yiri “Siyaasad kasta iyo waxkasta oo lasameeyo Gobalka Gedo wax Jubbaland la yiraahdo  ka mid noqon mayso,Gedo iyo Kismaayo Baydhabo ayaa xarun Ku meel Gaar u ah,wadiiqo kastana waan u maraynaa inaan arrintaa xaqiijino”ayuu yiri Dr Maxamuud Cali Shire .

Mar uu soo hadal qaaday ciidamada Goobwayn ku sugan ayuu sheegay inay riyo tahay in raysulwasaaraha arrintooda galo,sababta awalba loo abaabulay uu dabamarsan yahay,wax laga waydiinanayana aysan jirin.

Heshiiskii Addis ababa oo aqoonsaday Maamulka Ku meel gaarka ah ee Jubba xilligii uu raysulwasaaraha ahaa DR.Saacid Faarax Garaad  ayaa taabagalintiisa Kismaanyo kaoscota iyadoo dadku siyaabo kala duwan u qaada dhigayaan

Hadalka Masuulkan Maamulka Lixda Gobalayaa kusoo beegmaya xili Ra”iisul Wasaaraha Xukumada Soomaaliya uu kulamo kala duwan la qaadanayo Madaxda Maamulka Jubba,iyo waxgaradka Gobalada Jubbooyinka iyo  arrinta Ciidamada Goobwayna xalintooda uu ku jiro.

Dr. Maxamuud Cali Shire oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska ee Maamulka K/Galbeed,ayaa hadalkan waxa uu yahay kii ugu horeyeey ee kasoo baxa Tan iyo intii xilka loo magacaabay.

Dhinaca kale Xilkaas loo Magacaabay ayuu Aqbalay Wasiirka oo kasoo Jeeda Gobalka Gedo,isagoo ku Tilmaamay mid uu ku Faraxsanyahay Xilka uu u Magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Lixda Gobal Madoobe Nuunow Maxamed.

Dr. maxmuuud cali shire

 Idale News Online, Baydhaba.