Addis Abab(INO)-Safiirka dowlada Ethiopia ee dalka Kenya Shamsudin Axmed ayaa sheegay in wadashaqeynta wanaagsan ee u dhaxeyso shacabka iyo ciidamada amaanka ay tahay arinta qarsoon ee horseeday inay ka guuleystaan weerarada alshabaab ay ku geystaan dalkaasi.
Arinta ayaa kusoo aaday iyadoo masuuliyiinta dowlada Kenya ay raadinayeen hilada qorshe ay kaga hortagaan in dowlada Ethiopia ay adkeyso amaanka dhanka xuduuda, halkaasi oo weeraro ay ka dhacayeen tan iyo markii ciidamada Kenya gudaha usoo galeen Soomaaliya.
Ergayga Ethiopia ee dalke Kenya ayaa sheegay in amaanka aysan xaqiijin Karin ciidamada meletariga iyo kuwa booliska, laakiin daruuri ay tahay in wada shaqeyn wanaagsan iyo taageero ay ka helaan shacabka ku dhaqan dalkaasi.
“waxaan xaqiiqdii wadaagnaa shacabkeena warbixinada dhabta ah, ciidamadeenana la’aantood ma awoodaan inay amaanka xaqiijiyaan, waxaan la dagaalameynay Alshabaab waqti dheer”ayuu yiri ergayga Ethiopia ee dalka Kenya.
Wuxuu sheegay in shacabkooda ay u abaabuleen inay si wadajir ah ula shaqeeyaan ciidamada amaanka iyo sirdoonka dowlada.
Labada dowladood waxaa Soomaaliya kaga sugan kumanaan ciidamo ah kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee lagula dagaalamayo Alshabaab.