DHAGEYSO:Maxaadan La Socon oo xalay Ka Dhacey Magaalada Muqdisho?

0
208

Muqdisho(INO)-Kulankani oo looga hadlayay arrimo la xiriira ammaanka  magaalada  Muqdisho iyo gobolada dalka oo goor dhow ku soo gaba gaboobay Muqdisho ayaa waxaa looga hadlayay arrimo la xiriira dar dar galinta howlaha amni sugida iyo howlgaladii maal mihii la soo dhaafay hey’adaha Ammaanka ay ka wadeen dalka iyo natiijooyinkii laga gaaray.

Maxamed-Yuusuf1

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Wasiirada Gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ahaa Taliyaha hey’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda, iyo saraakiil ka socotay ciidamada Amisom, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, iyadoo shirkaasi uu ka dhacay Xarunta hey’adda Nabad sugida Qaranka.

Halkan Ka Dhageyso

Shirka ayaa intii uu socday waxaa diirada lagu saaray xoojinta amniga dalka iyo dar dargalinta howlgalada lagu baacsanayo firxadka maleeshiyaadka argagaxisada Al Shabaab oo waayihii ugu dambeeyay la kulmayay dharbaaxooyin kulul oo kaga imaanayay ciidamada qalabka, waxaana wasiiradii ka qeyb galay ay bogaadiyeen howlgaladaasi.

Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Gen Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare  (Cumda) ayaa waxaa uu soo dhaweeyay Bogaadinta Wasiirada Ee Howgalada ay Ciidamada Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ay ka wadaan Magaalada Muqdisho ,waxaana uu balan qaaday in ay sii socon doonaan inta amaanka bulshada laga Xaqijinayo sida Warbaahinta Qaranka uu u sheegay  Afhayeenka Hey’adaha Ammaanka Dalka Maxamed Yuusuf Cusmaan

 Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here