Dowladda UK Oo Safiir Cusub Usoo Magacaawday Dalka Soomaaliya

0
192

London(INO)— Dowladda Britain ayaa soo magacowday safiir cusub oo wakiil kaga noqon doono magaalada Muqdisho, waxuuna badali doonaa safiirkii hore ee UK u fadhiday magaalada Muqdisho.

Safiirka cusub ee hadda lasoo magacaabay ayaa ah siyaasi si weyn looga yaqaan dalka UK, waxaana uu kasoo shaqeeyay dalal badan oo ku yaala caalamka.

Safiirka cusub oo lagu magacaabo David Concar ayaa badali doono Harriet Mathews oo muddo la shaqeyneysay dowlada iyo maamul goboleedyada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay in safiirka hore ee dowladda Ingiriiska u fadhiday Soomaaliya loo magacaabay xil kale oo cusub islamarkaana safiirkaan cusub uu ka shaqeyn doono xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Ingiriiska.

Safiirka cusub waxaa lagu magacaabaa David Concar , waxaana uu xilka la wareegi doonaa  bisha Janaayo sanadka soo socda ee 2017.

16 March 2015 ayaa Harriet loo magacaabay iney noqoto safiirka dowlada UK ee Soomaaliya.