Dowladda Soomaaliya oo diyaarad u dirtay Baydhabo, si ay u soo qaado dhaawacyada qaraxii shalay.

0
199

Iyadoo daawo la’aan laga soo sheegayo isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay diyaarad u dirtay, si ay u soo qaadaan dhaawcayadii ka dhashya qaraxii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay bartamaha Baydhabo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxa, isagoo tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii dadkii uga geeriyootay, waxaana uu ku tilmaamay inuu ahaa fal waxashnimo ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u dirtay diyaarad, si ay u soo qaado dhaawacyada halista ah, una helaan daryeel caafimaad, waxaana uu tilmaamay in dhaawacyada la keenayo Muqdisho.

“Waxaan diyaarad u dirnay Baydhabo, si ay u soo qaadaan dhaawacyada halista ah, si ay u helaan daryeel caafimaad, Xukuumadeyda waxay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed”ayuu yii Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed.


wfp

Idale News online, BaydhAba.