Kenya(INO)-Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegay in ay heleen xog ku aadan meelo ka tirsan dalka Kenya oo shabaab qorshaynaayeen in ay weeraro ka geystaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.
Ilaha sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in Shabaab qorshaynaayeen in ay weeraro culus ku qaadaan meelo muhiim oo ka tirsan dalka Kenya .
Waxaa ka mid ah goobaha ay dowladda Kenya sheegtay in ay shabaab weeraro ku qaadi rabeen dhismayaal oo waa weyn oo ku yaala magaalo xeebeed Mombaza ee dalka Kenya.
Sarkaal sare oo u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in goobaha ay shabaab qorshaynaayaan in ay weeraraan in ay ka mid yihiin hotelo waa weyn oo ku yaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Waxay dowladda Kenya sheegtay in goobahaas iyo sidoo kale meelo badan oo ka tirsan dalka Kenya la geeyey ciidamo dheeraad oo lagu talagay in ay adkeeyaan amniga goobahaas.
Ilaha sirdoonka dalka Kenya ayaa shacabka ugu baaqay in ay kusoo wargeliyaan hadii arkaan waxyaabo amniga Qatar galinkara.
Shalay ayey aheyd markii Boliiska dalka Kenya ay soo saareen digniin cusub oo ku aadan weeraro Al-shabaab ay ka geystaan dalka Kenya, inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Idale News Online, Nairobi