Dowladda Kenya oo eedeymo u jeedisay Dowladda Federalka ee Soomaaliya

0
180

Dowladda Kenya, ayaa waxay bilowday in ay Dowladda Federalka ee Soomaaliya ku eedeyso, in ay ka gaabineyso habka celinta qaxootiga Soomaaliyeed, ee ku dhaqan Xeryaha qaxootiga ee Degmada Dhadhaab.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowladda Kenya Joseph Ole Lenku, oo Warbaahinta ka soo hormuuqday, ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Federalka, ay ka gaabineyso celinta qaxootiga.

Wasiirka, ayaa xusay in sanadkii tagey ay heshiis 3 geesood ahaa kala saxiixdeen Dowladaha Somaliya, Kenya iyo Hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobe (UNHCR), ayna ku wada heshiiyeen in ay soo diyaariyaan 3 guddi, oo iska kaashada celinta qaxootiga.

Xilligaan, ayuu sheegay in ay diyaar yihiin oo kaliya guddiyadii Kenya iyo UNHCR, isla-markaana aynaan jirin weli wax guddi ah oo ka socda dhinaca Dowladda Federalka ee Somaliya.

Joseph Ole Lenku wuxuu qeexay in ay lagama maarmaan tahay celinta qaxootiga Somaliyeed, bal si ay wax isaga bedelaan ammaanka guud ee dalkaasi Kenya.

Masuulkaan waxa uu Dowladda Federalka uu ku booriyay in ay soo dedejiso guddiga loo xayiran yahay, si qaxootiga Soomaaliyeed dib loogu celiyo dalkooda.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Soomaaliya, oo ku aadan dhaliilaha kaga yimid Dowladda Kenya.

Flag_of_Kenya.svg

Idale News Online.