Dowladda Itoobiya Oo Ciidamo Dheeraad Ah U Soo Dirtay Somalia

0
258

Doolow(INO)- Wararka naga soo gaaraya xadka udhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaana dhinaca gobalka Gedo ayaa sheegaya in ay Boqolaal ciidamo ah oo ka socda dalka Itoobiya ay ka soo gudbeen xadka udhaxeeya labada dal, iyagoo doonaya in ay la dagaalamaan kooxda Shabaab.

Amisom-in-crowd-620x330

Ciidamadan oo wata dabaabaadka dagaalka, ayaa ka soo gudbay xadka Gobolka Gedo uu la wadaago dalka Itoobiya, waxaana saxmadooda laga dareemay Degmooyinkaasi.

Wararka, ayaa waxay sheegayaan Ciidanka Itoobiya inay ka qayb qaadan doonaan guluf militari, oo lagu doonaayo in Ururka Al Shabaab looga saaro goobaha ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi Gedo.

Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu si buuxdo uu gacanta ugu hayaa Degmada Baardheere, oo ah Degmada Gobolka Gedo ugu weyn. Waxay kaloo ku sugan yihiin deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Marar badan waxaa dib u dhac uu ku yimid qorshaha lagu doonaayo in Al Shabaab looga saaro Gobolkaasi, si loo soo afjaro weerarada ay Gobolka ka wadaan.

Madaxweyne Ku Xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland, General C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo bishaan booqasho ku tagey Gobolkaasi, ayaa sheegay in la qaadi doono guluf militari oo ka dhan ah Al Shabaab.

Idale News Online, Doolow, Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here