Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay dishay Afhayeenka Guud Ee Kooxda Al shabaab

0
244

Ceelbuur  – Maamulka Deegaanka Ceel-Garas ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegay in Dagaal Shalay ka dhacay inta u dhaxaysa Degmada Ceelbuur & Deegaanka Dac ay ku dileen Afhayeenka Al shabaab.Teaser Image Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay dishay Afhayeenka Kooxda Al shabaabXasan Daahir Sheekh, oo ah Gudoomiyaha Deegaanka Ceel-Garas oo Wareysi siiyay Radio Kulmiye ee Muqdisho ayaa sheegay in Sheekh Cali Dheere, Afhayeenka Kooxda Al shabaab uu dhaawac Culus kasoo gaaray Dagaalka, kadibna ay Sirdoonkooda kusoo wargeliyeen in uu dhintay.

Wuxuu sheegay in ay Ciidamada DFS & kuwa AMISOM ay Shalay Galabtii Weerar ku qaadeen deegaan u dhaxeeya Ceelbuur iyo Dac, halkaasi oo ay Al Shabaab ku sugnaayeen, iyadoo Weerarka uu xusay in ay ku dileen 16 ka tirsan Maleesiyahada Shabaab Afar kalana oo Cali Dheere ku jiro ay dhaawaceen.

Ilaa hada dhanka Al-Shabaab wax war ah kama soo bixin oo ay Dhankooda ku faah-faahinayaan Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Dagaalkaasi iyo waxa dhankooda soo gaaray.

Xaalada Deeganadii lagu dagaalamay Shalay, ayaa Maanta oo Khasmiis ah degan, inkastoo la dareemayo saan-saan Colaadeed, sida ay sheegeen Dad ku sugan Degmada Ceelbuur.

Idale News Online si Madaxbanaan uma xaqiijin karto Warka.

Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho