Xudur – Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool ee Dowladda Federaalka, ayaa shaaca ka qaaday in ay ku howlanyiin Qorshooyin Military, oo lagu furayo Wadooyinka ay xireen Al shabaab.
“Ciidamada DFS & kuwa AMISOM waxa ay Shalay Weerar ku qaadeen Deegaan 25Km dhanka Bari uga beegan Degmada Xudur, halkaasi oo Kooxda Al shabaab u diidayeen in Gaadiidka ay galaan Magaalada,“ayuu yiri Maxamed Macallin.
Guddoomiyaha Degmada Waajid, Cabdullaahi Aadan Yariisow ayaa dhankiisa sheegay in ay sugayaan Amaanka Waddooyinka isku xira Gobolka Bakool, si Shacabka looga dulqaado Cunaqabataynta ay saareen Kooxda Al shabaab.
Kooxda Al shabaab ayaa markii laga saaray Bishii tagtay Degmooyinka Xudur, Waajid & Rabdhuure, waxa ay billaabeen in ay xiraan Wadooyinka isku xira Degmooyinkaasi, iyagoo sidoo kale u diiday Gaadiidka sida Ganacsiga ay galeen, waxaana taasi ay keentay Sare u kac Qiimaha Raashiinka & Alaabaha kale ee aan looga maarmin Nolosha.
Idale News Online – Xudur