Dowladda Federaalka oo Hoos U dhac Dhaqaale soo wajahay

0
229

Muqdisho (INO) — Hoos u dhac Dhaqaale oo aad u xoogan ayaa soo wajahay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo saameyn ku yeelatay dhamaan Hay’adaha Dowladda & Shaqaalahooda.

Teaser Image Dowladda Federaalka oo Hoos U dhac Dhaqaale soo wajahay

Wasiirka Maaliyadda DFS Maxamed Aadan Farkeeti ayaa kusoo bandhigay Kulan ay Golaha Wasiiradda ku yeesheen Shalay Muqdisho Warbixin uu uga warbixiyey Heerka Dhaqaale ee Dowladda Federaalka 2015.

Wuxuu sheegay in 50% Miisaaniyadda Dowladda uu Hoos u dhacay Sanadka 2015, isagoo taasi u sababeeyay in Kaalmadii Dhaqaale ee uu Caalamka siin jiray Dowladda Federaalka aan la helin Sanadkii lasoo dhaafay.

“Waxaa hoos u dhacay Dhaqaalaha Dowladda Sanadkan 2015, sababtoo ah Dowladihii Dhaqaalaha ka heli jirnay ma aysan bixin Wax lacag ah Sanadkan, hadda Maasaaniyadda aan haysano aad ayay u yartahay marka waa inaan qaadnaa Cashuuro Gudaha ah,” ayuu yiri Wasiirka.

Farkeeti ayaa ku baaqay in Hay’addaha Dowladda dhimaan Qarashkooda, si inta ay Dowladda haysato ugu filnaado, isagoo intaasi ku daray in Qorshe Canshuuro looga qaadayo Shirkadaha waaweyn uu socdo.

Sanadkan 2015 Dhaqaalaha Dowladda wuxuu noqday ($200, 000, 000) Labo Boqol oo Milyan oo Doolaar.

Dowladaha sida Joogtada ah Dhaqaalaha u siin jiray Dowladda waxaa kamid ah Turkiga oo Bil kasta bixin jiray $ 4.5 Mllion oo doolarka Mareykanka.

Idale News  Online – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here