DEG DEG: Banaanbax Lagu Taageerayo Mooshinka ka Dhanka Ah Jubba Oo Ka Dhacaya Baydhabo

0
249

Baydhabo (INO) – Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa Maanta ka socda Abaabulka Banaanbax ay qabanqaabisey Dowladda Koofur Galbeed oo lagu taageerayo Mooshinka laga geeyay Axmed Madoobe iyo Kooxdiisa Kaambooni.

banaabax11

Banaanbaxa ayaa waxaa dadka Magaalada intooda badan ay yihiin kuwo ka qeyb gelaya, Dowladda  Koofur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in uusan Taageero iska daaye xataa Awoodin Aqoonsi uu siiyo Malleyshiyaadka Axmed Madoobe oo doonaya in ay dadka Afduub ku heystaan.

Kooxda Kaambooni oo dhanka Malleyshiyaadka ku qaab ah Shabaab ayaa waxaa ay Adeegsadaan Aragtiyada Gurracan ee uu Kooxda Shabaab kasoo qaatay Horjoogahooda oo waxaa ay Adeegsadaan Habab aan Islaamka iyo Aqligaba ku jirin, sida Gowraca iyo dadka oo Dab iyo Biyo lagu dilo.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa uu si cad u Qaadacay wax lagu sheegay Baarlamaan loo dhisay Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Idale News  Online – Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here