Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea oo Mar Kale Ku Dagaalamay Xuduuda Labadda Dal

0
661

Addis (INO)-Wararka ka imaanaya xadka u dhexeeya dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa sheegaya in dagaal uu xadkaa ku dhex maray ciidamada militariga ah ee Itoobiya iyo ciidamada Eritrea shalay.

Sanado badan ayaa dalalkaasi ku muransanaayeen xadkaa u dhexeeya dhulal u dhow gaar ahaan deegaanada Badhame iyo Sharaaro.

Wasiirka warfaafinta ee Itoobiya ayaa warbaahinta caalamiga ah u sheegay inuusan wax dagaal ah dhicin inkastoo dadka kunool meelaha u dhow soohdintaa labadaa dal u dhexeysa ay sheegayaan in dagaalka oo weliba aad u cuslaa uu shalay Axadii halkaa ku dhex maray ciidamada dalalkaa.

Sanadihii dabayaaqadii sagaashameeyadii iyo labada kun ayaa waxaa la xasuustaa in ciidamada dalalkaa uu halkaas dagaal ba’an oo lagu hoobtay ku dhex maray.

Waxaa waagaa dagaalkaa ku dhintay ugu yaraan boqol kun oo qof.

Qaramada Midoobay ayaa ciidamo nabad ilaalin ah halkaa u dirtay isla markaana maxkamad ay leedahay QM ayaa dhulkaa u xukuntay Eritrea kadib markii ay sheegtay in dhulkaa dalka Eritrea uu leeyahay walow arinkaas dawlada Itoobiya ay ka biyo diiday

Idale News Online, Addis Ababa