Qudus(INO)- Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in u taageeray hindise Muslimiinta ka dhan ah kaas oo lagu gaabinaayo codka aadaanka ee Masaajida xiliga salaada la isugu yeerayo.
Hindisahan oo ay soo jeediyeen Kooxaha ilaaliya danaha dowladda, ayaa khatar ku ah xornimada diimaha ee Israel iyo dimoqraadiyaddu sheegato.
Halkan Ka Daawo video
Netanyahu ayaa sheegay in ay soo gaartey cabashooyin aad u badan oo uga imaanayey dadka Yuhuudda ah kuwaas oo dhibsadey dhawaaqa aadanka. Hindisan ayaan lagu sheegin dhamaan goobaha lagu cibaadeysto keliya in dhawaaqu ka soo baxayo ee si gaar ah ayaa loogu bartilmaameedsadey Masaajida, iyada oo kanasiidaha la ogyahay in ay leeyihiin dhawaaq dheer oo ka yimaada Jalaska ama Ganbaleelka weyn ee Kaniisadda gaar ahaan maalinta Axadda. Waxaa taas ka sii daran Macbadyada Israel oo qaylo xooggan lagu dhufto marka ay cibaadooyinkooda isugu yeerayaan.
Masaajidda ayaa la aaminsan yahay in ay ka horeeyeen maamulaka Israel ee xooga ku qabsadey dhulka uu doonayo in cabirka codka sameecadaha gaarsiiyo heer aad u hooseeya.
Shacabka Israel waxaa kamid ah Muslimiin carab ah oo qaatey dhalashada Israel kuwaas oo lagu sheego cadkooda 17.5% in ay ka yihiin bulshada Israel, waxaana ay sheegayaan in ay ku tahay takoorid meeshii ugu danbeysey, haddii hindisahan la meel-mariyo.
Magaalada xoogga lagu hasyto ee Qudus ayaa barigeeda oo dhan waxaa deggan Falatsiiniyiinta, waxaana hindisahan saameyn ku yeelanayaa masaajidda oo dhan, iyada oo horey Israel ay dhibaato uga gyetsteen masjidka barakaysan ee Qudus.