Dowlada Uganda oo sheegtay inaan magdhow laga siin qasaarihii ka soo gaaray howlgalka AMISOM

0
210

Kampala(INO)-Dowlada Uganda ayaa shaacisay inaanu ku qanacsaneyn dib udhiga lagu sameeyay magdhowka lasiin lahaa qoysaska askartooda ay kugeeriyoodeen iyagoo ka qeybqaadanaya howlgalka AMISOM ,iyo hantidii Uganda uga burburtay intii ay ku burtay howlgalka AMISOM. 
uganda
Wasiirka gaashaandhiga Uganda Dr.Crispus Kiyongo ,ayaa sheegay in Uganda wali ma aysan helin magdhowga hantidii ka burburtay iyo askartiii Soomaaliya looga dilay,sida diyaaradii uga burburtay gudaha wadanka Kenya sanadkii 2012 taa oo usoo socotay wadanka Soomaaliya,burburkeedana ay kudhinteen ilaa 7 askari.

“Waxaan ciidamo badan kuweenay Soomaaliya,kuwaa oo ay kamidyihiin 8 askari ee lagu dilay weerarkii Xalane ee dhacay ciidii Christimiska ,balse wali magdhow maanan helin” ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga Uganda.

Dowlada Uganda ayaa marar badan ka codsatay midowga Africa in uu magdhow kabixiyo hantida iyo ciidamada dowladu ay ku weesay howlgalka Soomaaliya,balse Midowga Africa ayaan wali kahadlin.

Dowlada Uganda ayaa Ciidamo u soo dirtay Soomaaliya sanado ka hor kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa Ee AMISOM. 

Idale News Online, Kampala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here