Wasiirka wasaarada Kheyraadka ee Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in siyaasada dowlada ay ka mid tahay in lagu dadaalo caafimaadka xoolaha iyo weliba in laga faa’ideysto kheyaardka dalka uu Alle ku maneystay.
C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Kheyraadka dalka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay ka faa’ideystaan xoolaha iyo Kheyraadka wadanka.
“Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha iyo weliba beeraha, sidaasi darteed si loo helo xoolo caafimaad qaba waa in lagu dadaalaa xoolaheena.” ayuu yiri wasiirka Kheyraadka Xukuumadda Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa haatan waxaa laga dhoofiyaa xoolo badan kuwaasi oo loo iib geeyo qaar ka mid ah wadamada Carabka.
Idale News Muqdisho