Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay mowqifkeeda ku aadan mamnuucista lagu soo rogay duulimaadyada Qaramada Midoobey ee deegaanada Somaliland, gaar ahaan Berbera iyo Hargeysa, iyadoo tallaabadaas ku tilmaamtay mid aan loo baahneyn.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay inay ka xun yihiin xayiraada lagu soo rogay duulimaadyada qaramada Midoobey, isagoo raali gelin ka bixiyay.
Wasiirka ayaa sheegay in tallaabadaas ay ka hor imaaneyso xeerarka duulimaadyada caalamka, isagoo war saxaafadeedkiisa ku soo bandhigay shuruucyo qeexayay duulimaadyada ruqsada dowladda Soomaaliya loo siiyay jiheynta Hawada.
Hadaba war saxaafadeedka ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta oo nuqul ka mid ah na soo gaaray ayaa sidan u qornaa
Idale News Online Mogadishu