Dowlada Masar oo Xiriirkii Diblamaasi u jartey Dowlada Siiriya ee Bashaar Al Asad

0
186

Dowlada Madaxweyne Maxamed Morsi ee dalka Masar ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqdey iney xiriirkii saaxiibtinimo ay u jartey Maamulka Madaxweyne Bashaar Al Asad iyo dowladiisa. Mohamed Morsi ayaa amray in la xiro safaarada dalka Siiriya ee magaalada Qaahira.

egyptVSsyria

Morsi ayaa hadalkan sheegay mar uu ka hadlaayey isu soo bax tagaareyaashiisu ay maalintii sabtida aheyd ku dalbanayeen inuu wax ka bedelo siyaasadiisa ku aadan dowlada Siiriya iyo dhiiga faraha badan ee dalkaasi ku daadanayaa iyo qaxootiga faraha badan ee Masar kaga imaanaaya dagaalada gobolkaas ka socda.

Madaxweyne Morsi ayaa sidoo kale Ururka Xisbu Allah ee wadanka Lubnaan ka jira ee ka garab dagaalada dowlada Siiriya ee Madaxweyne Bashaar Al Asad ugu yeerey in ay dalka Siiriya ka baxaan. Isagoo sheegey in Ururka Xsibulaah meel uga banaaneyn dalka Siiriya ayna tahay in si deg deg ah uga baxo dalkaas.

Morsi ayaa taageerayaashiisa u muujiyey in dowladdiisu ay garab taagann tahay shacabka reer Siiriya iyo in ay aad uga xun yahay dhibaatada joogtada ah  iyo xasuuqa lagu haayo . Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale fursadaan uga faa’ideystey in uu fariin digniin u diro mucaaradka dowladiisa oo qabanqaabo ugu jiro iney qabtaan banaanbax rabshado wata oo mucaaradku ay ku balameen in la qabto 30ka bishaan June.

Idale News.com