Muqdisho(INO)-Sanadkii la soo dhaafay ee 2015kii Diyaaradaha wax duqeeya ee Mareykanka ayaa 23,000 Bambooyinka Diyaaradaha laga tuuro ku riday 7 Dal oo Dunida ku yaalla kuwaas oo ay joogaan Dagaalyahanno uu dagaal kula jiro.
Waddamadaas waxaa ka mid ah Soomaaliya, Suuriya,Ciraaq,Yemen,Liibiya,Afghanistan iyo Pakistaan,waxaana ku dhintay kumanaan qof oo u badan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Hay’adda CFR data.ee fadhigeedu yahay Dalka Ingiriiska ayaa dib u eegis ku sameysay Weerarradii circa ee ay fuliyeen Diyaaradaha Mareykanka 2015kii,waxaana ay ku sheegtay in Mareykanka uu dunida gubayo.
Weerarrada ugu badan ee uu fuliyay Mareykanka 2015kii waxaa uu bartilmaameedku ahaa Hoggaamiyayaasha Ururrada Al Qaacidda iyo Daacish,waxaana uu dilay qaar ka mid ah hoggaamiyayaashaasi,waxaase ku dhintay oo kale dad rayid ah sida Isbitaalka ku yaallay Dalka Afghanistaan, oo ay ku dhinteen 18 Qof oo Shaqaale ka ahaa Isbitaalka Hay’adda MSF iyo Bukaanno ku jiray Isbitaalkaasi.
Mareykanka Dalalka Ciraaq iyo Suuriya oo ay daacish joogto waxaa uu ku dhiray 22,000 oo Bambaano,Afghanistaan 947,Yemen 58,Soomaaliya 18,Pakistaan11 iyo Dalka Liibiya oo aan la shaacin Tirada Gantaalaha lagu riday.
Idale News Online Muqdisho