Dowlada Koonfur Galbeed Oo Wax Ka Bedalaysa Xaqiijinta Ammaanka G/Sh/Hoose

0
215

Baydhabo(INO)- Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadashey weerarkii labo maalin ka hor dagaalyahannada hubeysan ee Alshabaab ay ka geysteen magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka warfaafinta iyo wacyi-galinta Bulshada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah ay geyn doonaan degmada Afgooye kadib weerar qorsheysan oo Alshabaab halkaasi ay ka geysatay maalinkii talaadada ahayd kaasoo lagu diley askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Wuxuu sheegay Wasiir Ugaas Xasan Cabdi Maxamed in khasaaraha ka dhacay weerarkaasi ay ka tacsiyadeynayso dowlad goboleedka Koonfur Galbeed islamarkaana wax laga bedalayo qorshaha iminka lagu sugo nabadgalyada gobolka Shabeellaha Hoose.

“Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxay qorsheynaysaa in sida ugu dhaqsiyaha ah badan ciidamo loo geeyo meelaha ugu muhiimsan ee gobolka Shabeellaha Hoose, arrintaasna ay soo calaamadeyn doonaan wasaaradaha shaqada ku leh, sidoo kale waxaa sida ugu dhaqsiyaha badan gobolkaasi looga furi doonaa xerooyin ciidanka Koonfur Galbeed lagu tababari doono waxaana iyana soo calaamadeyn doona wasaaradaha ammaanka ka shaqeeya ee maamulka” ayuu yiri Ugaas Xasan oo ah wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii, Qorshahani  Koonfur Galbeed ayaa ah mid la doonayo in wax looga bedalo xaqiijinta ammaanka gobolkaasi Shabeellaha Hoose oo meelaha qaar ay fariisimo ku leeyihiin Xarakada Alshabaab.