Dhageyso: Gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku yeeshay kulan aan Caadi ahayn

0
196

Baydhabo(INO)- Gollaha Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Baydhabo  Ee Xarunta Gobolka Bay.Kulankan oo uu shir Gudoominayey madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin sugida amaanka degaanada hoos taga maamulkaas.

Gollaha ayaa si gaar ah u falanqeeyey weerarkii maalmo ka hor xoogaga Al-shabaab ku soo qaadeen degmada Afgooye iyo sidii looga hortegi lahaa weerarada noocaas ah.Xubnaha Gollaha wasiirada Dowlada Koonfur galbeed ayaa ugu dambeyn soo saaray qodobo ay ka mid yihiin

  1.  In ciidamo deg deg ah loo diro Gobolka Shabeellaha hoose.
  2. In sida ugu dhaqsiyaha badan looga furo gobolka Shabeellaha Hoose xerooyin lagu tababaro ciidamada Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
  3. Waxey tacsi u direen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ee waxyeeladu ka soo gaartey dagaalkii ku dhaxmarey degmada Afgooye iyaga iyo Al-shabaab, iyagoo intii ku dhimatey Allah uga baryey inuu u naxriisto intii ku dhaawacantayna bogsiiyo.