Dowlada Koonfur Galbeed Oo Wacad Ku Martay In Ay Billaabayso Howlgallo Ka Dhan Ah Al Shabaab

0
542

Baydhabo ( INO)-Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta  iyo tababaradda Maleeshiyaadka Dowlada Koofur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen oo la hadlay Warbaahint ayaa waxa uu  ku nuux nuuxsaday in ay Ciidamada Amniga  Dowlada KGS ay billaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Hadalkaan ayuu sheegay Wasiirku xilli deegaanno dhowr ah oo hoostaga Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya ay maamulaan dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

Sidoo kale Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dhawaan ay soo afjari doonaan howlgallo ka socday deegaanno dhaca Gobollada Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose.

Waxaana Wasiirku uu intaas ku daray in go’doonka ka saari doonaan deegaanada ay Al Shabaab ay hareereeyeen.

Gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa meelaha ay ugu xoog badan yihiin dhaq dhaqaaqa Al Shabaab , waxaana had iyo goor ka dhaca dagaallo u dhexeeya Ciidamada dowladda Federaalka oo hadda maamul ahaan hoostaga Koofur Galbeed iyo Xarakada Al Shabaab.

Ugu dambeyntii, Dagaaladaasina waxa ay geystaan khasaarooyin  kala duwan oo dhinacyadaasi iyo rayidka intaba soo gaara.

Idale News Online, Baydhabo