Daawo:Dowlada KGS Oo Sheegtay In Ciidamada Tababarka Lagu Siinayo Baydhabo Ay La Dagaallami Doonaan Al-shabaab

0
292

Baydhabo(INO)-Saraakiisha Dowlada  Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegay in ciidamada haatan tababarka uga socdo magaaladaasi ay qeyb weyn ka qaadan doonaan dagaallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

General Ibraahim Macalin Kutub, Taliyaha Ciidamada Booliska Ee Dowlada KG Soomaaliya oo la hadlay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in ciidamadaan ay diyaar u yihiin in ay soo celiyaan amniga iyo kala dambeynta gobalada uu ka arrimiyo Dowlada Koonfur Galbeed.

“Ciidamadaan lagu tababarayo magaalada Baydhaba waa kuwii la dagaallami lahaa cadowga, waa kuwii loogu talagalay inay nabadda ka qeybqaataan, hadii aanu ciidan jirin dowlad ma jirteen, ciidamadaan waxay taageeri doonaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee wada howlgallada ka dhanka ah nabad diidka” ayuu yiri Generalka.

Dhinaca kale sarkaalkaan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed in ay il gaar ah ku hayaan xuquuqda ciidamadaasi.

Ugu dambeyntii, Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay waxaa tababar uu uga socdaa 200 oo askari, kana mid ah ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

34243226uhxvbb

Xafiiska Shabakada Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here