Dhageyso: Kenya oo Lagu Eedeeyey Gabood-fallo Ka Dhan Ah Soomaalida

0
194

Muqdisho(INO)— Hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch  ayaa ku eedeysay dowlada Kenya in ay gashay gafaf iyo xaadgudubyo ka dhan ah bani,aadannimada sanadki tagay ee 2015.

Halkan Ka Dhageyso

Tacaddiyadaan ayaa waxaa intooda badan geystay ciidamada amaanka laamahooda kala duwan waxaana loo geystay Soomaalida, ha noqoto kuwa xeryaha qaxootiga ama kuwa kasoo jeeda gobolka waqooyi bari.

Ribootka Human Rights Watch ee sanadka 2016 oo shalay lagu soo bandhigay magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in xadgudubyada ka dhanka ah aadanaha ee ay Kenya ku kacday ay isugu jiraan dil, xarig aan kala saar laheyn, jirdil iyo cabsi gelin.

Waxaa kale oo lagu eedeeyey xariga hey’ado badan oo madani ah iyo in xorriyada laga qaaday xarumo badan oo warbaahineed oo dalkaasi ka jira.

Warbixinta hey’adaan oo xarunteedu tahay magaalada New York ee dalka Mareykanka oo aheyd tii 26-aad kana koobneyd 659 bog, ayaa waxaa loogaga hadlay tacadiyo ka dhacay ilaa iyo 90 wadan.

Waxaa si gaar ah warbixintu ay u xustay in Kenya ay si qasab ah gu kaliftay qaxooti Soomaaliyeed in ay dalkooda dib ugu laabtaan, kufsi loo geystay haween, dad la waayey iyo dilal si ula kac ah loogu geystay dad lagu tuhmay in ay xiriir la leeyihiin argagixiso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here