Muqdisho(INO)-Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Jubbooyinka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Generaal Gabra uu ka wado deegaanada Jubbooyinka arin aan u cuntameynin shacabka ku dhaqan halkaasi.
Siyaasi Cabdi Shire Warsame, oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubboyinka ayaa sheegay in Gabra uu bilaabay inuu Ugaasyo usoo magacaabo shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Jubba.
Wuxuu Cabdi Sheegay in arin aan soconeynin ay tahay dhibaatada ka taagan deegaanada Jubbooyinka, wuxuuna xaqdaro ku tilmaamay qaabka loo dhisayo baarlamaanka maamulka Jubba.
Xasan Sheikh Maxamuud iyo xukuumada cusub ayuu sheegay in qorshe ay wataan aysan ka shaqeyneynin deegaanada Soomaalida, isaga oo sheegay in dowlada Ethiopia ay qorshe kasta ka fuliso guud ahaan Soomaaliya.
“Gabre ayaa maamulanaya Kismaayo iyo deegaanada kale, wuxuu hadda marayaa inuu yiraahdo Ugaasyo ayaan sameynayaa, Gabre iyo Afeey ayaa watta, waana dal beylaha ah, shacabka Kismaayo arintaasi ayaa kasoo horjeeda sababto ah Ugaasyo uu sameynayo Gabre ma soconayaan” ayuu yiri Cabdi Shire.
Siyaasi Cabdi Shire ayaa hadalkaan jeediyay kadib wareysi uu siiyay idaacadaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.