Xudur(INO)-Wararka hadda naga soo gaaraya gobalka Bakool waxay sheegayaan in qarax uu goor dhaw ka dhacay halkaasi kaasi oo khasaare badan sababay sida dadka deegaanka inoo sheegeen.
Mid ka mid ah ragga is qarxiya Al-shabaab ayaa la sheegay in lagu diyaarinayay meel ka mid ah Bakool oo magaceeda naloo sheegin, hase ahaatee markii walxaha qarxa lagu rakibay uu si lama filaan ah meel u taabtay ka dibna qaraxa uu dhacay.
Waxaa halkaasi ku dhintay 6 Al-shabaab ah, iyadoo dhaawac badan uu jiro, waxaana ragga dhintay ku jira saraakiil oo weli magacyadooda la helin.
La soco wixii soo kordha.
Idale News Online, Xudur