Dowlada Ethiopia Oo Dhulka Soomaalida Ka Qodaneysa Ceel Shidaalkii lixaad

0
265

Muqdisho (INO) – Dowladda China ayaa qodistii Lixaad ee Ceel Shidaal ka bilowday Deegaanka Elale oo ka tirsan Degmada Godey ee dhulka soomaalida Ethiopia.

Ceelkaani oo noqonaaya kii Lixaad ayaa waxaa iminka qodistiisa bilaabay Shirkada shidaalka ee Ploy-GCL ee China, oo horay u qoday Shan Ceel Shidaal oo kor u qaaday dhaqaalaha dalka Ethiopia.

Wasiirka batroolka iyo macdanta Ethioipia Motuma Mekassa, ayaa sheegay in qodida Ceel Shidaalka Deegaanada Soomaalida Ethiopia aanu fara ka qodneyn, waxa uuna sheegay in wax soo saarka Ceelashii hore ay ku nacfisay Dolwada iyo Is maamulka Soomaalida.

Motuma Mekassa, waxa uu sheegay in qodista Ceelka uu socon doono muddo kooban waxa uuna tilmaamay in Dowladu ay mas’uul ka tahay amniga Saraakiisha ku howlan qodista Ceelka.

Motuma Mekassa oo kasoo muuqday Telefeshinka dowlada Ethiopia ee EBC ayaa sheegay in dhoofinta gaaska dabiiciga ee Elale la bilaabi doono 3 sano kadib, wixii intaa ka harsan ay Dowladu ku nacfin doonto.

Motuma Mekassa, ayaa sheegay in Ceelasha shidaalka ee Jeexdin iyo Elale uu ka buuxo Gaas dabiici ah oo dhan 4.7 trillion cubic feet, sida lagu ogaaday baaritaan la sameeyay 1972-dii.

Danjiraha China ee dalka Ethiopia La Yifan ayaa isna sheegay in Dowladiisu ay ka go’an tahay inay banaanka usoo saarto Kheyraadka ku jira dalka Ethiopia, gaar ahaan Deegaanada Soomaalida Ethiopia, sida uu hadalka u dhigay.

Danjiraha waxa uu sheegay in Saraakiisha ku howlan qodista Ceelka Lixaad ee Shidaalka ay sii wadi doonaan mashruucyada lagu soo saarayo Shidaalka.

Danjiraha China ee dalka Ethiopia La Yifan, waxa uu sidoo kale sheegay in Qodista Ceelka shidaalka uu socon doono muda 6 bilood, sida uu sheegay mar uu kasoo muuqday Telefeshinka dowlada Ethiopia ee EBC.

Dhinaca kale, Dowlada Ethiopia ayaa si xad dhaaf ah uga macaashta qodista Shidaalka ku jira dhulka Soomaalida Ethiopia oo ah dhul Soomaaliyeed oo aan ku jirin gacanta Dowlada Somalia.

Idale News Online, Muqdisho