Muqdisho(INO)— Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabanayaa doorashada xubnaha aqalka sare u matalaya goboladda waqooyi ee dalka, doorashadaasi oo maalmahaan hakad ku jirtay.
Seddex kamid ah shan xildhibaan oo ka dhiman xildhibaanada matalaya goboladda waqooyi ayaa maanta lagu dooran doonaa magaalada Muqdisho.
Kursiga koowaad ee tartanka maanta ayaa waxaa ku loolamaya ilaa afar musharax oo kala ah Xuseen Ceelaabe Faahiye, Maxamed Aadan Waaberi, Axmed Cabdi Faahiye iyo Ayuub Ismaaciil Yuusuf.
Kursiga Labaad waxaa ku tartami doona.
- Hodan Abuukar Xasan
- Deeqo Xasan Xuseen
- Amran cilmi fariid.
Kursiga Saddexaad waxaa ku tartami doona.
- Cumar Maxamed Aadan
- Nuuro Faarax Jaamac
- Caasho Axmed Cabdalaahi.
Waxaa harsan labo kursi oo murun uu ka taagan yahay, waxaana la isku hayaa cidda ku tartami doono doorashada labada kursi ee harsan.
Beelo kasoo jeeda Somaliland oo kuraas ka helay aqalka hoose ayaa doonaya inay kuraas kale ka helaan aqalka sare, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashada gobolada waqooyi.