Doorashada Aqalka Hoose DFS & Beelaha loolanka Adag ka dhexeeyo ee Hubeer. Eelaay iyo kuwa kale.

0
245

Baydhabo (INO) – Maanta waxaa magaalada Baydhabo oo xarun kmg u ah maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ka bilaaban doonta doorashada xildhibaanada aqalka Hoose ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya. Waxaana tartanka maanta uu dhex mari doonaa beelaha kala ah Eelaay, Macalinweyne, Asharaf, Leysan iyo  Beesha Hubeer .

Kursiga Beesha Hubeer ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa 3 musharax oo kala ah Mudane Sandheere Maxamed Iftiin oo ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee maamulka Koonfur Galbeed, Samaan Maxamed Sheekh Daahir (Samaan Madeey) oo isagu ah xildhibaan barlamaanka hadda xilka ka dhamaadey, iyo Axmed Sheikh Siidow oo ah nin dhalinyaro ah.

 

tartankahubeer

Beesha Hubeer oo leh labo kursi ayaa doorashadoodu ka kala dhici doontaa magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo. waxaana tartanka ugu adag uu ka dhici doonaa xarunta Koonfur Galbeed Somalia. Shabakada Idale News Online si hoose ugu kuurgashey loolanka u dhaxeeye 3da xubnood ee Beesha Hubeer iyo halka ay u badan yihiin ergadu soo xuleysa xildhibaanka beesha Hubeer ayaa la sii saadaalin karaa cida ku guulaysan doonta kursigaas, waxaana muuqata in musharaxa lagu magacaabo SANDHEERE MAXAMED IFTIIN uu haystaa taagerada inta badan ergada beesha Hubeer ee ku sugan xarunta doorashada KGS, halka 2da musharax ee la tartarmaayo laga yaabo in looga itaal roonaado doorashada.

Sidoo kale, Waxaa maanta iyaguna fooda is dari doona 3 musharax oo ka soo jeeda Beesha Eelaay gaar ahaan jifada Bohoraad, waxaana tartan adag uu dhex mari doonaa Gudoomiyaha Barlamaanka Somalia ee Xiligiisu dhamaadey Maxamed Cismaan Jawaari & C/raxmaan Sheikh Ibrahim, Wasiir Hore oo ka tirsanaa DFKS.  In kastoo aan si sahal ah loo saadaalin karin natiijada tartanka 2daan xubnood,  haddana waxaa meesha ka marneyn laaluush kooxda Damjadiid ku dooneyso inuu musharaxooda Jawaari kaga guuleyso musharaxa kale ee la tartarmaayo, oo isagu hayso taageerada dhanka maamulka KGS iyo weliba inta badan ergada beesha Eeleey haddii aan laaluush iyo isdaba marin aysan dhicin

abdirahmanvsjawaari

Kooxda DamJadiid oo taageero siinaaya Jawaa ayaa iyagu waxay magaalada Baydhabo ka wadaan inqilaab siyaasadeed oo looga hortagaayo musharaxnimada Madaxweynaha Maamulka KGS Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu ah musharaxa ugu cad cad ee la filaayo in uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Somalia ee doorashada dhici doonta dhamaadka Sanadkaan.

Waxii ka soo baxa doorashada maanta iyo beri kala soco shabakada Idale News

Idale News ONline, Baydhabo