Baardheere(INO)- Dagaal Xoog leh ayaa waxa uu xalay dhexmaray Ciidanka Dawlada Kenya iyo Dagaalamayaal Katirsan Ururka Al Shabaab kuwaasi oo isku Jilbo Dhigtay Deegaano dhowr ah.
Dagaalka ayaa ka dhacay Deegaanka Juungal Ee Duleedka Baardheere oo katirsan Gobolka Gedo waxaana markii dambe uu ugudbay Dagaalka Deegaanka lagu magacaabo Cali Xareed.
Diyaaradaha Dawlada Kenya ayaa Madaafiic ku bilaabay deegaanadaasi oo Shabaabku kusugan yihiin waxaase ay keentay in Lidka diyaaradaha Ay Shabaab la dhacaan diyaaradahaasi.
Waxay keentay in la isku fara saaro Hubka Kala duwan taasi oo qal qal ku Abuurtay Shacabka aan waxba galabsan ee Korkooda lagu Dagaalamayey.
Saraakiisha Ciidanka Kenya iyo Taliska Al Shabaab Midna kama uusan Hadlin Dagaalkaasi Xalay Ka Dhacay Deeganada Hoostaga Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.