Diyaaradaha Dagaalka Israel oo Duqeyn Ka Geystay Marinka Qaza

0
223

Muqdisho(INO)— Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa saaka duqeyn ka geystay Marinka Qaza ee dhulka Falastiniiyiinta, iyadoo duqeyntaas jawaab uga dhigay gantaal ay sheegeen in looga soo ganay, kaasoo ku dhacay gudaha Israel.

Goob joogayaal ku sugan Qaza ayaa sheegay in duqeymaha lala beegsaday xarumo ay Ururka Xamaas leeyihiin, inkastoo aan faah faahin rasmi laga heyn khasaaraha duqeynta.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada gantaalka lagu riday dhanka Israel, inkastoo dowladda Israel ay sheegtay inay ka hor-tagtay gantaalkaas oo ay hawada ku bur burisay.

Duqeynta Israel ka geysatay Marinka Qaza ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo maanta la filayo in Calanka Falastiiniyiinta laga taago barxadda hore ee Qaramada Midoobey

Ururka Xamaas ayaa sheegay inay faarujiyeen xarumahooda iyagoo ka cabsi qabay weerar uga yimaada Israa’iil kaddib markii gantaal laga riday Gaza uu ku dhacay Israa’iil.

Xubnaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa u codeeyay in calanka Falastiiniyiinta la garab suro calamada dowladaha la aqoonsan yahay.

Idale News Online, Muqdisho

Idalenewsonline@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here