Diini”Haddii aan la qaramaynin Maleeshiyada Maamulada lama heli karo Amni”

0
213

Muqdisho (INO) — Wasiirka Difaaca Soomaaliya C/qaadir Diini ayaa shaaciyay in dalka uusan Nabad ka hergelaynin, haddii aan la qaramaynin Maleeshiyada Maamul Goboleedyada aan aan hoos imaan Wasiiradiisa.

Teaser Image Wasiirka Difaaca: Haddii aan la qaramaynin Maleeshiyada Maamulada lama heli karo Amni

Wasiirka oo ka jawaabayay Sau’aalo Golaha Wasiirada ka waydiiyeen Howshiisa ku aadan sugida amaanka dalka, ayuu sheegay in wali aan natiijo fiican laga gaarin Dadaalka Dowladda ee ah inay qaramayso Maleeshiyaadka Maamulada.

“Maamul kasta wuxuu leeyahay Maleeshiyo u gaar ah, aan aan aqoonsanayn Wasaaradda Gaashaandhigga ee aan madaxda ka ahay, waana nasiib darro in Maanta dalka uusan lahayn hal Ciidan oo midaysan, oo cadow si isku mid ah uga hortagaya,” ayuu yiri Diini.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in Maamulada qaar ee dalka ka jira ay aaminsan yihiin inay yihiin dalal Madaxbanaan, oo aan hoostagin Dowladda Dhexe, ee fadhigeedu yahay Caasimadda Muqdisho, taasina ay keentay kala fogaansho dhanka Ciidanka ah.

“Federaalka ma ahan in Maamul kasta uu yeesho Ciidan u gaar ah, ee waa in dalka uu yeeshaa Hal Ciidan oo leh Hal Talis Guud, waxaan ugu baaqayaa kuwa dib u dhaca ku fekeraya inaysan socon doonin rabitaankooda,” ayuu yiri C/qaadir Diini.

Idale News  Online – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here