Muqdisho (INO)—Xili uu ka hor hadlayay Kulunkii Golaha Wasiirada, Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaliya, Cabdisalaan Axmed Caato ayaa waxuu sheegay in Wasiirka Amniga uu shaaca ka qaaday in si habsami leh uu Magaalada Jowhar kaga furmay Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Ergooyinka labada Gobol.
Dhinaca kale, Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu soo hadal qaaday in diblomaasiyiintii u dhashay Dalka Iran ee ku sugnaa gudaha Soomaaliya ay dib ugu laabteen Dalkooda iyadoona xusid mudan in kuwa Soomaaliya kaga sugnaa Magaalada Tehran ay dib ugu soo noqdeen Magaalada Muqdisho.
Dhawaan ayee aheyd markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu difaacay go’aanka Dowladdiisu ay xiriirka ugu jartay Dalka Iran.
Idale News Online, Muqdisho