Dhibaatooyinka ay la kulmayaan muslimiinta oo ku soo badanaya dalka France

0
246

Paris(INO)-Xafiiska ka hortagga islaam naceybka ee raacsan golaha Muslimiinta dalka Faransiiska ayaa sheegay in usbuucii tagey ay soo gaareen masaajidda dalkaas ku dhowaad 30 farriin oo muujinaya ereyo bahdil iyo xaqiraadda muslimiinta.

Madaxa xafiiska C/llahi Dikri ayaa shaaca ka qaaday in ay u gudbin doonaan xeer ilaaliyaha qaranka dacwad ka dhan ah dadka soo diraya farriimaha noocaan oo kale ah.

Sidoo kale wargeyska lagu magacaabo Lofigaaro ayaa ku sheegay war uu soo daabacay in qaar ka tirsan masaajidda ku yaal dalka Faransiiska ay soo gaareen farriimo xambaarsan naceybka muslimiinta iyo nabi Muxamed SCW.

Waxaa xusid mudan in diiwaanka rasmiga ah ee police-ka uu cadeynayo in 128 weerar ay la kulmeen muslimiinta Faransiiska muddadii u dhaxeysay 7-da ilaa 20-ka Janaayo ee aan soo dhaafnay, wixii ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday Charlie Hebdo ee iyadu lagu soo daabacay kartoon lagu aflagaadeynayey Nabi Muxamed SCW.

Xog ururin ay sameysay shirkadda odoska ee laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa sheegtay in dadka reer Faransa ay aaminsanyihiin in 71%  ay korortay cadowtooyada loo qabo muslimiinta ah waqtiyadii dambe.

Dhanka kale, raiisalwazaaraha Faransiiska Manuel Falis ayaa sheegay in dalkiisu uusan damacsaneyn in uu soo saaro qawaanin cusub oo la xiriirta islaamka iyo muslimiinta, warkaan ayaa yimid ka gadaal markii uu booqasho ku tegay magalda Strasbourg ee ku taal bariga dal Fransiiska, hase yeeshee wuxuu ballan qaaday in ay qaadi doonaan tallaabooyin wax looga qabanayo sumcad xumeynta islaamka, wuxuuna meesha ka saaray in laga soo saari doono qawaanin ama sharciyo.

Dalka Faransiiska ayaa ah dalka koowaad ee ay ku noolyihiin dadka muslimiinta ah guud ahaan dalalka reer Europe waxaana ku nool dad dhan 5 million.

Idale News Online, Paris.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here