Nairobi(INO)–Madaxweynah Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen Qurba joogta Dalka Kenya oo ka dhacay Nairobi ayuu ka jeediyay Khudbad dhinacyo badan ka hadleysay.
Uhuru waxaa uu yiri: “ Dadka Soomaalida ah waxaan u cadeynayaa in kuwa qaswadayaasha ah ay wada jir noo dhaawacaan, waxaana idiin caddeynayaa in Kenya aysan dan gaar ah kala heyn Soomaaliya,xitaa Taako dhul ah oo ka mid ah Soomaaliya,waxa kaliya ah ee aan wada rabnaa waa Nabad iyo amaan, waxaan idinkugu maaqayaa adinka oo qurba joogtii dalka ah iyo Kenyaanka kale, in kuwa isu gudbinaya farriimaha naceyb iyo khilaaf abuurka ah, kuna doodaya in Kenya laga yasao dadka laga tirade badan yahay, Dowladda Kenya waa dowlad si rasmi ah ugu siman yihiin dadka oo dhan,tusaale, haddii dad laga tiro badan yahay la yasayo, Wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Kenya waa Amino Max’ed oo Soomaali ah,haddii dad la takoorayo Soomaali miyuu Adan Muxamad noqon lahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Kenya,haddii Soomaali laga neceb yahay halkan miyuu Adan Barre Ducaale noqon lahaa Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamanka Jamhuuriyadda Kenya?”
Waxaan Idin xaqiijinayaa in kaliya danka Kenya ay tahay nabad iyo midnimo, waxaana dadka Soomaaliyeed kula talinayaa in ay nabadda nala qaataan,nalana raadiyaan haddii dersikeennu nabad helo innagana waan heleynaa” taasna waa u jeeddada Kenya.
Hadalka Uhuru waxaa yimid iyada oo Xadka labada dal ay Ciidamada Kenya ka wadaan bur burin Sohdintii uu dhigay gumeysigii labada dalba gumeystay,waxaana dadka deggan xadka sheegayaan in Ciidanka Kenya ay baabi’inayaan astaamihii sohdinta.
Madaxweynaha Kenya kama hadlin go’aankii ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya eek u saabsanaa in Ciidanka Kenya isaga baxaan Soomaaliya,waxaana uu kaliya beeniyay in Kenya ay dooneyso dhul Soomaaliyeed.
Idale News Online, Nairobi



