Garoowe (INO) Maamulka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay hadal lama filaan ah oo u gogol xaaraya in maamulkaasi dhowaan shaaciyo inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.
Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa lagu sheegay in nidaamka federalka ee Soomaaliya laga weeciyey qaabkii loogu tala galay sidaas darteed ay talo gaar ah goosanayaan kana fiirsanayaan ka sii mid ahaanshaha Soomaaliya waa sida ay hadalka u dhigeene.
“Hadii laga guuro nidaamkii lagu heshiiyey ee Federalka Soomaaliya Puntland waxay u guuri doontaa talo wada jir ah oo khusaysa shacabka iyo dawlada Puntland”.
Maamulka Puntland oo la dhisay 1998 dii ayaa hore u sheegi jirey inay ilaalinayaan midnimada Soomaaliya hase ahaatee 6 dii sano ee u danbeeyey Puntland waxay u dhutinaysey gooni u goosad, Puntland ayaa samaysatay calan, hees calan, astaan gaar ah iyo dastuur ay ku qoran yihiin qodobo lagu micneeyey “Lajiifiyaana banaan”, oo markii ay doonaan ay uga go’i karaan Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Garowe



