war deg deg ahAllaha u naxariistee waxaa caawa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose lagu dilay Dr. Xasan Diiriye, oo ka mid ahaa dhakhaatiirta ugu caansan ee Magaalada Kismaayo.
Rag aan la aqoon cidda ay ka tirsan yihiin, ayaa ninkaan waxay ku dileen xaafadda Siinaay ee Magaalada Kismaayo, iyadoo ay rasaas kala dhaceen qaybaha kore ee jirkiisa.
Raggaan oo qoryo watay, ayaa waxay dilka kadib ay ka baxsadeen halka ay ku dileen marxuumka, waxaana ragga dilka geystay lagu sheegay ilaa 3 nin.
Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba oo gaaray xaafadda Siinaay, ayaa waxay ka sameeyeen hawlgal la xiriira ragga dilka geystay, inkastoo aysan gacanta ku soo dhigin.
Dr. Xasan Diiriye, ayaa Bartamaha Magaalada Kismaayo waxa uu ku heystay Farmasi weyn, wuxuuna ahaa shakhsi si weyn looga garanaayo Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.