Dhageyso:Yuusuf Guurow “ Waa In Loo Midooba Ka Hortaga Dhul Boobka Beesha Ogaadeen Ee Gobolka Bakool ”

0
249

Baydhabo(INO)- Siyaasiga Yuusuf Guurow oo ka mid ah Siyaasiyiinta Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana ka soojeeda Gobolka Bakool ayaa ugu Baaqey Bulshada Gobolka Bakool, Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Madaxda Koonfur Galbeed Soomaaliya inay u midoobaan ka hortaga dhibaato dhul boob hor leh oo kusoo wajahan Degmooyinka ka tirsan Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Yuusuf Guurow ayaa sheegey in Degmooyin iyo Degaano ka tirsan Gobolka Bakool la sheegtey, isla markaana waxa uu intaa ku darey in horey looga darsadey Gobolo Asal ahaan ay leeyiihiin umadda Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana laga qiib galin waayey Shacabkii Degaanadasi siyaasada iyo Abood qiibsiga Maamulkii Sheegtey Gobolada Jubooyinka.

“ Dadka badankooda ee Degan Gobolka Bay, ma garanayaan tirada Degmooyinka Gobolka Bakool, waa 5 degmo, Mid ka mid ah waxay ku taalla Xuduuda dalka Itoobiya aynu la wadaagno waa Degmada Ceelberde, waxaa hoosta tagaa Degaano, Beesha Degmadaas Sheeganeyso waxay kale Sheegatey in Gobolka Bakool ay ka degto 3 Degmo, Xildhibaano Beesha Daarood ah ayaa daba ka soo riixayaan oo dano siyaasadeed ka leh Arintaasi, waxaan ugu baaqaya Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya in aynu ka hortagno,waxaa nagu soo wajahan Duulaan Cusub oo dhul boob hor leh, waa in loo midoobaan” ayuu yiri Yuusuf Guurow.

Siyaasiga ayaa Sidoo kale sheegey in laga gaabiyey ka hadal arintaasi iyo wax ka qabashada,  isla markaana waxa uu tilmaamey in aysan marnaba raali ka noqoneynin maalin cad in loo xisaabiyo Dhul ay leeyiin Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya Beesha Ogaadeen oo ka soo Hiyaatey Kilinka 5aad ee Dowalad Degaanaka Soomaaliya Itoobiya.

“ Ceelberde waxay ka tirsan tahay Gobolka Bakool, Maamulka Degmadaasi waa lawada leeyahay, hadii aad ay ka soo qalisaan Kismaayo, Yurub iyo Puntland iyo meelo kaleba la idin ka yeeli maayo Qaylo dhaaankiina” ayuu mar kale yiri Yuusuf Guurow.

Ugu dambeyntii, Maamulka Gobolka Bakool iyo Waxgaradka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ugu baaqey in si toos ah ay u wajahaan arintan, isla markaana  la tago Degmada Ceelberde oo hooy u noqotey in ay ku shirayaan Jabhada ONLF iyo Ciidamada Cadowga ah ee Liyuu Booliska Dowlada Degaaanka Soomaalida Itoobiya oo ku mideysan in gumaadaan Shacabka Gobolka Bakool.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here