Muqdisho(INO)-Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ku dhaleeceeyay Beesha Caalamka Warmurtiyeedkii ay kusoo dhaweeysay dhismaha Barlamanka Jubba ee Kismaayo.
Xildhibaanada ayaa sheegay ay qalad tahay in beesha Caalamka ay soo dhaweyso Barlamanka Jubba, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay ka gaabsatay.
Xildhibaan Samaan Sheekh Daahir oo Ka Mid ah mudanayaasha Baarlamanka soomaaliya isla markaana ka soojeeda Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbadd Hoose, ayaa beesha caalamka ku eedeyey, xurinta colaadka sokeeye ee soomaaliya taasoo ka dambeysey, ka dib markii baarlamanka jubba ee Axmed Madoobe ay taagyeereen, iyadoona beelihii Asal ku ahaa Goboladda jubooyinka laga fara maruuriyey siyaasadda maamulka jubba Jubba.
Xildhibaanka ayaa xusey in hogaamiyaha maamulka KMG ah ee jubba uu ku tuntey heshiiskii lagu gaarey magaaladda Addis Ababa ee xaruta Dalka Itoobiya oo isaguna goob joog u ahaa iyo heshiiskii dhexmarey Maamulka jubba iyo Dowlada koonfur galbeed Soomaaliya kaasoo dhigayey in beelaha wada dega degaaanadda jubba si wada siman looga qiib galiyo hay’adaha kala gedisan ee maamulka jubba.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Muqdisho