Muqdisho (INO)— Guddoomiye ku xigeenka gudiga arimaha dibadda ee Barlamaanka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka hadlay talaabada ay Dowladda Kenya ku xirtay Xadka kala dhaxeeya Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay Warbaahinta ayaa sidoo kale dhibaato ay wajahayaan Shacabka Soomaaliyeed ku tilmaamay darbiga laga dhisayo Xadka ay wadaagaan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Mudane Dalxa ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in qaar ka mid ah Gudiyada Baarlamaanka Soomaaliya ay horey u tageen Xadka labada Dal waxaana warbixin qiimeyn ah oo ay soo sameeyeen loo gudbiyay Baarlamaanka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxuu ku eedeeyay in aysan waxba ka qaban talaabada Dowladda Kenya ay darbiga uga dhiseyso Xadka labada Dowladood.
Xildhibaanka ayaa waxuu hoosta ka xariiqay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ka soo baxay kaalintii kaga aadaneyd arintan, balse ay meesha ka maqan tahay sida uu tilmaamay doorkii Xukuumadda Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Boqolaal ka mid ah Xoogaga Dowladda Kenya ayaa loo soo duubulay inta u dhaxeysa Mandera iyo Balad-xaawo waxaana Ciidamadaasi durbaba ay xireen Xadka labada Dal, si halkaasi uu uga bilaawdo dhismaha darbigaasi.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.