Dhageyso:Xildhibaan Dalxa: ” Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya wey ku fududaatay go’aanka ay ka qaadatay Khilaafka Iran Iyo Sacuudiga”

0
224

Muqdisho ( INO)-Guddoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Prof Max’ed Cumar Dalxa oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamay  go’aanka ay dowladdu ka qaadatay   Xiisadda u dhexeysa dowladaha Sacuudiga iyo Iran  mid lagu deg degay.

dalxa1

Dalxa ayaa sheegay in waxba aysan kala soconin go’aanka ay Wasaaradda Arrimaha dibadda ku taageertay dowladda Sacuudiga in xiriirka ay u jarto Iran wuxuuna xusay in labada dal uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyay Soomaaliya sidaas darteedna loo baahnaa in laga baaraan dego , oo aan Sacuudiga si fudud

Guddoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay horay u taageertay dagaalka ka socda dalka Yemen kaas oo ay qeyb ka tahay dowladda Sacuudiga .

Go’aanada ay iyada oo qura gaareysa Wasaaradda Arrimaha dibadda Baarlamaanka ayuu Xildhibaan Dalxa ku qeexay in ay yihiin kuwa u muuqda in aan  faa’iido laga gaareynin.

Dhawaan ayey ahayd markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya war qoraal ah ay soo saartay waxa ay ku taageertay go’aan Sacuudiga uu ka gaaray xiriirkii diblumaasiyadeed ee ay la lahayd Dowladda Tehran.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here