BaydhabO(INO)- Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay laga hergaliyey Xarunta wax lagu bari doono Hooyooyinka waa weyn ee Ku dhaqan Xaafadaha Kala Duwan ee Magaalada Baydhabo.
Munaasabadda furintaanka waxa ka qiib Galey Gudoomiyaha Gobolka Bay, C/rashiid C/laahi Maxamed, Agaasimaha wasaaradda Waxbarashadda Iyo Barbaarinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Marwo Caziiza, Bahda Waxbarashada Degmada iyo Mart sharaf kale.
Iyadooana Munaasabada laga soo jeediyey Khubado ku aadan ahmiyada waxbarashada iyo Kaalinta Haweenka, waxaana hal ku dhig looga dhigey Furitaanka Xuruntan” Gabar wax baratey, Waa Bulsho waxbaratey”.
Xaruntan Laga hergaliyey Magaalada Baydahbo ayaa waxa looga magacdarey Iftin Education Center, isla markaana waxa laga dhex furey Jaamacadda Ganaany Ee Magaalada Baydhabo.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo