Muqdisho(INO)- Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaalad cabsi dagaal ah ay ka jirto duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaana deegaanka Jaziira, taas o udhaxaysa maamulka gobalka Banaadir iyo Dowladda Koonfur galbeed ee Soomaaliya.
Xiisadan ayaa ka dhalatay markii ciidamo ka socda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay yimaadeen deegaanka Jaziira, ayna ka taageen Calanka maamulkooda, ka dibna ay halkaas jawaab ahaan ku tageen ciidamo ka socda maamulka gobalka Banaadir.
Afhayeenada maamulada Banaadir iyo Dowladda Koonfur Galbeed oo aan la xariirnay ayaa mid kastaa sheegay in aysan dagaal dooneyn, balse ay doonayaan in ay difaacdaan deegaanada ay xumaan.
Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir Cabdifitaax Xalane ayaa sheegay in ay ogaadeen in ciidamo ka socda Koonfur Galbeed ay soo gaareen Jaziira, ka dibna ay halkaas udireen ciidamo amaanka suga, laakiin wuxuu diidey in ay ciidamadaas ujeedadoodu tahay in ay dajiyaan boor ay shalay dhajiyeen Dowladda koonfur Galbeed.
Xiisadan ka taagan deegaankan ayaa saameyn ku yeelatay dadkii daganaa halkaas iyo waliba deegaanada ku xeran, waxaana wali aan jirin jawaab ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dawladda Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho