Berdaalle(INO)0- maamulka dagmada Bardaale ee Gobolka Bay ayaa sheegay in xaalada caafimaad daro ay ka jirto dagmadaasi iyagoone ku baaqay in gurmad caafimaad loo fidiyo dadkaasi.
Guddoomiyaha deegaanka Bardaale ee gobolka Bakool Cali Weedow oo Wareysi siyey Warbaahinta Idale News Online ayaa sheegay in cuduro badan oo ay ka mid yihiin Malaariyo, TB-da iyo Cudurka Bog Fuurka ay ka dilaceen ayna haatan la ildaran yihiin dad badan.
Waxa uuna intaasi ku daray in hay’adahii samafalka ee caafimaadka ay ka gaabiyeen howlahii caafimaad ay ka wadeen deegaankaasi.
Sidoo kale Gudoomiye Weedow waxa uuna ugu baaqay Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka in ay gurmad caafimaad la soo garaan dadkaasi tabaleysan.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Berdaale