Baydhabo(INO)-Iyadoo Magaalada Baydhbo ee Xarunta Gobolka Bay, ay sii balaaratey, isla markaana xaafado kale ku soo kordhey , ayaa maanta maamulka Degmada Baydhabo Janaay uu sheegey in xaafad cusub lagu soo kordhiyey Magaaladaasi.
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Xasan Biikole ayaa sheegey inay doonayaan in laga wada shaqeeyo horumarka iyo amaanka degmada Baydhabo.
Waxaana Uu Gudoomiyuhu uu tilmaamey in Xaafad kasta ay u sameeyeen Gudoomiye iyo Nidaam, si looga hortago falalka Amni daro ah oo kooxo hubeysani magaaladasi ay ka wadaan, kuwaaaso sida la sheegey in yihiin Xoogaga Al-shabaab ee Soomaaliya oo dagaal adag kula jira DFS iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.
” Xaafad kasta waxaan u yeelney Gudoomiye, Gudoomiyihii Xilkiisa Gudun waayo, waa laga qaadaya Xilka,Dhamaan Shacabka Reer Baydhabo ayaan Ka Codsaneynaa in Ciidamada Amaanka ay la Shaqeeyaan ayna Soo Sheegaan dambiiliyaasha Ku dhuumaaleysanaayo Gudaha Magaaladda” ayuu yiri Gudoomiye Xasan Biikole.
Afartii Xaafadood ee Asalka Ahaa Sida;Horseed, Hawl-wadaag, Isha Iyo Bardaale ayaa balaartey, taasoo maamulka degmada Baydhao iyo Dowlada hoose ee Baydhabo ay go’aansadeen in ay badiyaan Waaxooyinka afartaasi Xaafadood ee magaalada Baydhabo ay ka koobaneyd 20kii Sano ee la soo dhaafey.
Ugu dambeyntii, Xaafadan Maanta lagu Soo kordhey Magaalada Baydhabo, ayaa noqoneysa xaafadii sagaalaad, iyadoo magaalada Maalinba maalinta ka dambeyso ay sii balaaraneyso.
Halkan Ka Dhageyso Radio Idale.
Idale News Online, Baydhabo