Muqdisho(INO)–Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/llaahi Sheekh Xasan ayaa beeniyay war sheegay in uu xiran yahay, ayna xireen ciidamada dowladda Soomaaliya.
“Waan maqlayay warkaas in ay BBC-da sheegtay, Waxaan maqli jiray in BBC-da ay tahay idaacad caalami ah, marka iyadoo Idaacad Caalami ah ay heerkaas u dhaqanto waxaan u arkaa in ay qeyb ka tahay is-jiid-jiidka u dhaxeeya Dowladda Somalia iyo Dowladda KGS”ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan oo sheegay in uu gurigiisa ku sugan yahay, ayna been tahay in uu xiran yahay.
Mudane Wasiir C/llaahi Shiikh Xasan ayaa sheegay in uusan jirin dembi uu galay oo uu xarig ku muteysan karo, wuxuuna caddeeyay in uu ka taxadaro wax kasta oo keeni kara in uu xoriyaddiisa waayo.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho