Dhageyso:Wasaaradda Ganacsiga KGS Oo Sare U Qaadeysa Ganacsiga KGS Iyo Maalgashiga

0
276

Marka(INO)-Iyadoo Dowlada koonfur Galbeed soomaaliya ay dooneyso in Hay’adaheed maamul Ay ku fidiso degaanadeeda isla markaana ku daaleyso inay xooga saarto,dhinac amaanka,soo nooleynta kaabiyaasha dhaqallaha iyo raadinta Cilaaqaadka caalamka, ayaa wasiirka Ganacsiga ee Dowladda KG Soomaaliya uu sheegey in Dhawaan la dardar galin doono Ganacsiga iyo Warshadaha KG Soomaaliya.

C/laahi sheekh Xasan,Wasiirka Ganacsiga Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegey in dastuurka dowladda KG Soomaaliya uu u sheegaayo in Degmadda Markacadey ee xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ay tahay magaalada Ganacsiga markii  loo eego guud ahaan magaaloyinka iyo Degmooyinka kale Ee deegaanadda KG Soomaaliya, isla markaana waxa uu sheegey in la dhiira galinaayo Ganacsatadda Waa weyn iyo kuwa yaryar,isla markaana waxa carabka ku adkeeyey in dhanka xeebta wada soo marta magaaladasi ay haystaan kooxda Al-shabaab, laguna saari doono dhawaan si loo furo ayuu yiri ganacsiga guud ee Gobolka Shabellaha Hoose iyo degmada Marka.

Halkan Ka Dhageyso

Dowladda KG Soomaaliya waxay ku dhisan tahay dastuur, dastuurkeedu waxa uu qeexaya in Magaalada Marka ay tahay Magaalada Ganacsiga KG Soomaaliya , Magaalada Marka iyo Gobolka Banaadir, dhinac xeebta waxaa haysta Al-shabaab, in jidkan la furo oo Ganacsiga MarkaCadey uu shaqeeyo ayaa halkan u jooga” ayuu yiri c/laahi sheikh Xasan, wasiirka Gnacsiga iyo warashadaha ee KGS.

Ugu dambeyntii Dowladda KG Soomaaliya ayaa waxay dhaqaalaheedu waxa uu ku xiran yahay, Beeraha oo ka soo go’a Muuska iyo cuntooyin kale kuwaasoo loo dhoofiyo wadamada Khaliijka iyo Caalamka intiisa kale , Xoolaha Nool iyo Khayraadka Badda,iyadoona ay leedahayda labo dikekadooda oo la sheegey in dhawaan rasmi ah loo hawl galin doono, isla markaana wasiirka Ganacsiga KG Soomaaliya ugu baaqaya ganacsatada waa weyn in ay maalgasho ku sameeyaan Degaanada KG Soomaaliya.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here