Buur EyleI(INO)- Dagaal Xoogan Oo saacado Badan Qaatey Ayaa Waxaa Uu Ka dhacey Degaanka Buur Eyle Ee Gobolka Bay.
Dagaalkaasi Oo U Dhaxeyo Ciidamada Booliska Gaarka Ah Koonfur Galbeed Somaliya Iyo Maleeshiyada Al Shabaab Ayaa Waxaa Uu Geestey khasaaro Badan Oo Wada Gaarey Labadan Dhic Oo Degaankaasi Ku Dagaalamey.
Dagaalkaan Ayaa Waxaa Uu Keeney Ka dib Markii Ciidamada booliska Gaarka Ah ee Koonfur Galbeed Ay Howlgalo Ka sameyeen Degaano Badan Oo Ka tirsan Degmada Buurhakaba Oo Ay Ka mitd Tahay Degaanka Uu Dagaanka Ka dhacay Ee Lagu Magacaabo Buur Eyle Waxaana 30km Ujirta Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Bay.
Gudoomiyaha Degmada Buur Hakaba Maxamed Nuur Cabdi Ayaa Waxaa Uu Ka hadley Misana Fah Fahin Kabixiyey Dagaalkaasi Oo U Dhaxeyey Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed Iyo Urarka Al Shabab khasaarada Uu Geestey.
Dhanka Kale Maxamed Nuur Cabdi Oo Ah Gudoomiyaha Buur Hakaba Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Ay Sii Wadi Donaan Dagaalada Ay Kula Jiraan Urarka Al Shabab Waana Wali Howlgalada Kasii Socon Donaan Degaanada Hoos Taga Degmada.
Gudoomiyaha Asigoo Hadalkiisa Sii wato Ayaa Waxaa Uu Sheegey in Howlgaladaan Ay Socdaan Iney Yihiin Howlgaladii Urarka Al Shabaab lagaga Saari Lahaa Guud Ahaanba Degaanada Hada Ay Kagaga Sugun Yihiin Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Bay.
Halkan Ka Dhageyso
W/Q:Wariye Siidcali Muuse Mxamed {ateera}
Warqabadka Xafiiska Magalada Baydhabo